Muqdisho (Dawan)- Warbixinta Xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliya ee 2026 ayaa Talaadadii lagu daahfuray magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo maalgelinta koboc dhaqaale oo waara iyo xoojinta dakhliga gudaha.
Daahfurka warbixinta ayaa qayb ka ah madasha wada-tashiga ee CV2060 Roundtable, oo sannadkii afraad la qabanayo. Madashan ayaa 27-ka iyo 28-ka Oktoobar ka socota hoteelka Jazeera Palace ee Muqdisho.
Sida ku cad warbixinta, dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sannadkii 2025 kobcay 3.1%, marka loo eego koboc dhan 4% oo la diiwaangeliyey sannadkii 2024.
Dakhliga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadkii 2025 gaaray qiyaastii 404.3 milyan oo doollar, halka uu sannadkii 2018 ahaa 183 milyan oo doollar.