Muqdisho (Dawan)- Qofka sugaya adeeg caafimaad, waalidka raadinaya iskuul uu ilmihiisa geeyo ama bulshada u baahan biyo nadiif ah, doodda ku saabsan maaliyadda dadweynuhu ma aha oo keliya arrin la xiriirta dakhliga dowladda. Waxay si toos ah u taabanaysaa helitaanka adeegyada aasaasiga ah, awooddooda dhaqaale iyo sida loo maalgeliyo. Arrintan ayaa udub-dhexaad u ah dib-u-habeynta maaliyadda dadweynaha Soomaaliya, iyadoo dowladda ay dadaal ugu jirto xoojinta dakhliga gudaha iyo caddeynta habka khayraadka loogu qaybinayo heerarka kala duwan ee dowladda.
Warbixinta Bangiga Adduunka ee Dib-u-eegista Maaliyadda Dadweynaha Soomaaliya 2026: Marxaladda Xigta ee Maaliyadda Dadweynaha ayaa nidaamka qaybsiga awoodaha iyo khayraadka maaliyadeed ee heerarka kala duwan ee dowladda ku tilmaantay caqabad hortaagan kharashaadka dowladda iyo bixinta adeegyada bulshada. Warbixintu waxay sheegtay in dowlad-goboleedyada iyo maamullada hoose ay qaadeen masuuliyado sii kordhaya oo la xiriira adeegyada aasaasiga ah iyo amniga, balse ay ku shaqeeyaan dhaqaale xaddidan.
Arrintan ayaa dhalinaysa su'aal muhiim ah: Sidee maamullada hoose looga filan karaa inay bulshada u fidiyaan adeegyo ku filan haddii dhaqaalaha ay haystaan uusan la jaanqaadayn masuuliyadaha loo igmaday?
Intii lagu jiray kulan xog-bixin ah oo Bangiga Adduunku qabtay ka hor daahfurka warbixinta, Stella Ilieva oo ah dhaqaaleyahan sare oo Bangiga Adduunka ka tirsan, kana qayb qaadatay diyaarinta dib-u-eegista, ayaa ka hadashay saameynta ay bulshada ku yeelan karto qaybsiga aan sinnayn ee khayraadka.
Waxay sheegtay in muhiimaddu tahay in helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee muwaadiniintu uusan inta badan ku xirnaan goobta ay ku nool yihiin.
Aragtideeda ayaa muujinaysa saameynta tooska ah ee nidaamka maaliyadeed ee dalka ku leeyahay nolosha bulshada. Marka awoodda dakhliga ee maamulladu kala duwan tahay, isla markaana masuuliyadaha aan si cad loogu waafajin dhaqaalaha la heli karo, waxaa kala duwanaan kara awoodda maamulladaasi u leeyihiin qorsheynta iyo bixinta adeegyada bulshada.
Warbixinta Bangiga Adduunka ayaa tilmaamaysa in masuuliyadaha kharashaadka ee heerarka kala duwan ee dowladda aan weli si buuxda loo qeexin, isla markaana aysan mar walba la jaanqaadin nidaamka maalgelinta. Waxay qiyaastay in Dowladda Federaalka ay ururiso ku dhowaad 71% dakhliga gudaha, halka dowlad-goboleedyadu ay leeyihiin masuuliyado muhiim ah oo la xiriira bixinta adeegyada bulshada.
Soomaaliya waxay horumar ka samaysay dib-u-dhiska nidaamyada maareynta maaliyadda dadweynaha iyo heshiisyada laga gaaray arrimaha maaliyadda iyo maamulka. Hase yeeshee, warbixintu waxay ku baaqaysaa in la xoojiyo wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda si loo helo nidaam khayraadka loogu qaybiyo si caddaalad ah oo la saadaalin karo.
Baahida loo qabo arrintan ayaa sii kordhaysa xilli uu hoos u dhacayso kaalmada dibadda. Bangiga Adduunka ayaa qiyaasay in deeqaha dibadda ay hoos uga dhici karaan ku dhowaad 5% wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) ilaa wax ka yar 1% marka la gaaro 2030-ka.
Isbeddelkaasi wuxuu cadaadis dheeraad ah saarayaa hay'adaha dowladda si ay u kordhiyaan dakhliga gudaha, isla markaana si hufan uga faa'iidaystaan khayraadka la heli karo.
Arrintu kuma koobna oo keliya inta lacag ah ee dalku ururiyo, balse waxay sidoo kale khuseysaa sida dhaqaalaha loogu kala gudbiyo heerarka dowladda, cidda masuulka ka ah kharashaadka adeegyada iyo in hay'adaha laga filayo inay adeegyada bixiyaan ay haystaan dhaqaale iyo awood ku filan.