Garoowe (Dawan) – Shirkadda duulimaadyada ee Jubba Airways ayaa shalay si rasmi ah dib uga bilowday duulimaadyadeeda magaalada Garoowe, kaddib casriyeyn iyo dib-u-habayn lagu sameeyay adeegyadeeda. Duulimaadyada ayaa noqon doona kuwo joogto ah Talaado kasta.
Munaasabad lagu shaaciyey dib-u-bilaabashada duulimaadyada oo lagu qabtay Garoowe, waxaa ka qaybgalay shaqaalaha shirkadda, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada.
Maamulaha Jubba Airways, Siciid Jeesan, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in shirkaddu ay deegaannada Puntland ka hawlgeli jirtay intii u dhexeysay 2002 iyo 2019, xilli ay ka mid ahayd shirkadihii isku xiri jiray magaalooyinka dalka. Waxa uu xusay in Jubba Airways ay xilligaas duulimaadyo ka samayn jirtay garoomada Boosaaso, Garoowe, Gaalkacyo iyo Qardho, xilli aan weli la dhisin waddooyinka iyo kaabeyaasha garoomada qaarkood. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in markii la dhisay garoomada Boosaaso iyo Garoowe, Jubba Airways ay ka mid ahayd shirkadihii hormuudka ka ahaa dhiirrigelinta duulimaadyada diyaaradaha waaweyn ee nooca jet-ka ah, gaar ahaan garoonka Boosaaso.
“Dib-u-bilaabashadeedu waxay noqon doontaa sidii hore looga bartay iyo si ka fiican, Insha Allaah. Labada magaalo ee Garoowe iyo Boosaaso waxaan rabnaa inaan si dhab ah uga hawlgalno,” ayuu yiri Siciid Jeesan.