Muqdisho (Dawan) — Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay kororka qiimaha korontada ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in sare u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay xiisadaha Bariga Dhexe uu yahay sababta ugu weyn ee shirkadaha korontadu ay qiimaha u kordhiyeen.
Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka tirsan Toddobaadka Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan hakadka ku yimid isu socodka shidaalka ee marinka Hormuz, ay saameyn ku yeelatay qiimaha shidaalka ay isticmaalaan shirkadaha korontada Soomaaliya.
Bidhaan ayaa sheegay in shirkadaha korontadu ay markii hore soo jeediyeen in la laba jibaaro qiimaha korontada, balse Wasaaradda Tamarta ay ka hortagtay qorshahaas, taas oo keentay in shirkaduhu ku ekaadaan kordhin uu wasiirku ku sheegay 10 %.
Wasiirka ayaa ku tilmaamay shidaalka oo qaaliyoobay sababta ugu weyn ee ka dambeysa go'aanka shirkadaha, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka qiimaha korontadu ugu sarreeyo caalamka.
“Sababta qiimaha korontada loo kordhiyay waxay ahayd waxyaabaha ka dhacaya Bariga Dhexe, marinka Hormuz oo xiran iyo shidaalkii oo la waayay,” ayuu yiri Wasiir Bidhaan.
Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay maalgelinta iyo horumarinta kaabeyaasha korontada, si loo yareeyo qiimaha ay shacabka iyo ganacsatadu ku bixiyaan adeegga korontada. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay maalgelin ka badan 250 milyan oo doolar, si loo horumariyo adeegga korontada dalka, loona helo koronto jaban oo la isku halleyn karo.