Muqdisho (Dawan)– Asal Hair Clinic, oo ah xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Muqdisho, ayaa heshay shahaadada caalamiga ah ee ISO 9001:2015, taas oo ah halbeegga caalamiga ah ee Nidaamka Maamulka Tayada (Quality Management System).
Shahaadadan waxaa bixisay hay'adda QRO Certification LLP (Quality Research Organization), oo xarunteedu tahay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, kaddib markii ay si madax-bannaan u qiimeysay nidaamka maamulka iyo adeegyada xarunta caafimaadka.
Shahaadada ayaa la bixiyay 23-kii Oktoobar 2026, waxayna ansax ahaan doontaa ilaa 22-ka Oktoobar 2029. Si ay shahaadadu u sii ahaato mid ansax ah, xaruntu waxay mari doontaa kormeer sannadle ah oo la qorsheeyay Oktoobar 2027 iyo Oktoobar 2028.
Asal Hair Clinic waxaa la aasaasay sannadkii 2022, waxaana hadda ka shaqeeya 15 shaqaale ah oo isugu jira dhakhaatiir iyo xirfadlayaal kale. Xaruntu waxay ku takhasustay daaweynta timaha iyo maqaarka, waxayna bixisaa adeegyo ay ka mid yihiin soo celinta iyo beerista timaha (Hair Restoration and Transplantation), daaweynta cudurrada maqaarka (Dermatology) iyo fiitamiinnada jirka lagu siiyo duritaanka (Vitamin Infusion).