Muqdisho (Dawan)- Goobta uu qofka Soomaaliyeed ku nool yahay ayaa sii kordhinaysa inay saameyn ku yeelato inta canshuur ah ee maamulkiisu ururiyo iyo dhaqaalaha uu heli karo si uu ugu maalgeliyo adeegyada uu u baahan yahay. Arrintan ayaa ka mid ah caqabadaha waaweyn ee lagu soo bandhigay warbixinta Bangiga Adduunka ee Dib-u-eegista Maaliyadda Dadweynaha Soomaaliya 2026, taas oo ka digaysa in caddeyn la'aanta masuuliyadaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay qayb ka tahay sababaha keenaya kala duwanaanshaha ururinta dakhliga, qaybsiga khayraadka iyo bixinta adeegyada bulshada.
Warbixintu waxay sheegtay in dakhliga gudaha ee Soomaaliya uu sannadkii 2025 gaaray qiyaastii 6.3% wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP), taas oo muujinaysa in dhaqaalaha dowladda uu xaddidan yahay marka loo eego baahida loo qabo maalgelinta adeegyada dadweynaha iyo horumarinta dalka. Isla markaana, masuuliyadaha maaliyadeed ee heerarka kala duwan ee dowladda ayaan weli si buuxda loo qeexin.
Intii lagu jiray kulan xog-bixin ah oo kooxda Bangiga Adduunku qabatay ka hor daahfurka warbixinta, Stella Ilieva oo ah dhaqaaleyahan sare oo Bangiga Adduunka ka tirsan, ayaa sharraxday in Soomaaliya aysan lahayn hal nidaam oo canshuuraha dalka oo dhan si dhexe loogu ururiyo, dabadeedna loogu qaybiyo hannaan ama qaacido ay heerarka kala duwan ee dowladdu ku heshiiyeen. Taa beddelkeeda, heerarka kala duwan ee dowladda ayaa dakhliga ku ururiya hannaano kala duwan.
Ilieva waxay sheegtay in Dowladda Federaalka ay ururiso canshuuraha ganacsiga, canshuuraha dakhliga iyo canshuuraha iibka, halka dowlad-goboleedyaduna ay iyaguna samaysteen nidaamyo u gaar ah oo canshuuraha lagu qaado.
Sida ay sheegtay, arrintani waxay dhalisay nidaam kala daadsan oo canshuur-bixiyeyaashu ay la kulmi karaan sharciyo iyo habraacyo kala duwan, iyadoo ku xiran goobta ay ganacsigooda ka wataan.
Kooxda Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale sheegtay in canshuuraha ganacsigu ay qayb weyn ka yihiin dakhliga Soomaaliya, balse ay jiraan kala duwanaansho muuqda oo ku saabsan sida loo ururiyo iyo sida dakhligaasi loogu maareeyo deegaannada kala duwan. Ilieva ayaa caqabadaha nidaamka federaalka ku jira ku tilmaantay habka loo maareeyo dakhliga canshuuraha ganacsiga ee laga ururiyo dekedaha waaweyn ee dalka. Waxay sheegtay in dowlad-goboleedyada kala duwan ay qaadaan canshuuro kala duwan, isla markaana ay adeegsadaan habraacyo iyo nidaamyo canshuureed oo aan isku mid ahayn. Arrintaas ayaa adkeynaysa in canshuur-bixiyeyaashu si fudud u fahmaan shuruucda iyo xeerarka canshuuraha ee khuseeya. Hase yeeshee, dhibaatadu kuma koobna oo keliya qaadista canshuuraha, balse waxay sidoo kale la xiriirtaa sida loo maareeyo loona qaybiyo dakhliga marka la ururiyo.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in masuuliyadaha kharashaadka ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada aysan si joogto ah ula jaanqaadin nidaamyada maalgelinta, halka kala duwanaanshaha awoodda ururinta dakhliga uu sababay farqi weyn oo u dhexeeya maamullada kala duwan. Intii uu socday kulanka xog-bixinta ah, kooxda Bangiga Adduunka ayaa soo bandhigtay tusaale muujinaya baaxadda kala duwanaanshahaas.
Dakhliga qofkiiba ee laga ururiyey Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed sannadkii 2025 ayaa lagu qiyaasay 6.6 doolar, halka Puntland uu ka ahaa ku dhowaad 40 doolar.