New York (Dawan)– Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah ka yeeshay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland iyadoo mas’uul sare oo Qaramada Midoobay ah uu mar kale xusay mowqifka Golaha ee ah ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Bariga Dhexe, Aasiya iyo Baasifigga, Khalid Khayaari, ayaa ugu horeyn ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida in ay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal nabadeed oo wax dhisaya.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Baale, ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay bayaan uu ku hadlayay magaca Soomaaliya, Algeria, Sierra Leone iyo Guyana, isagoo si kulul u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, kuna tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada iyo dhuleednimada Soomaaliya”.
Waxa uu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay mid sharci ahaan aan sax ahayn, maadaama “gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Somaliland uusan awood sharci ah u lahayn inuu galo heshiisyo, ama dalal kale uu la yeesho wada-shaqeyn . Waxa uu ku adkeeyay in tallaabadan ay si toos ah u jebinayso Axdiga Qaramada Midoobay, mabaadi’da Midowga Afrika iyo xeerarka aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.
Danjiraha ayaa sidoo kale ka digay hadallada la xiriira suuragalnimada barakicin qasab ah oo lagu sameeyo Falastiiniyiinta, isagoo sheegay in afarta dal ee uu matalayay ay si buuxda u diidan yihiin “isku day kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda, gaar ahaan fikrad kasta oo ku saabsan in Gaza laga raro laguna dejiyo waqooyi-galbeed Soomaaliya”.
Wakiilka Boqortooyada Ingiriiska ayaa isna Golaha Ammaanka ka hor sheegay in dalkiisu si buuxda u taageersan yahay madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya, isla markaana aanu u aqoonsanayn “Somaliland” dal madax-bannaan.







