Soomaaliya, 21 Janaayo 2026 (Dawan)– Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku haynta jasiiradda Kudhaa, ka dib weerar xooggan oo ay saaka ku qaadeen fariisimaha ciidanka Jubbaland.
Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan deegaanka ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Dawan in dagaallamyaasha kooxdu ay gudaha u galeen jasiiradda iyo saldhigyo muhiim ah, ka dib markii uu dhacay dagaal dhex maray iyaga iyo ciidanka halkaas ku sugnaa.
Sida ay ku sheegatay bayaan ka soo baxay Al-Shabaab, weerarka ayaa lala beegsaday fariisimo ciidan oo ay lahaayeen ciidammada dowlad goboleedka Jubbaland. Kooxda ayaa sheegatay inay la wareegeen saddex fariisin oo ciidan ka dib dagaal kooban, iyagoo intaas ku dartay inay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidanka wallow aysan jirin xaqiijin madax bannaan oo sheegashooda khasaaraha ah la xiriirta.






