Muqdihso (Dawan)- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa warar is khilaafsan kasoo saaray dagaal subaxnimadii maanta ka dhacay deegaanka Jabad Godane oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay si guul leh uga hortageen weerar ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka, isla markaana ay Al- u geysteen khasaare culus intii uu socday iska horimaadka.
“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si buuxda gacanta ugu haya deegaanka Jabad Godane, kaddib markii cadowga loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda, iyadoo intaas lagu daray in ay socdaan hawlgallo ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, si looga hortago isku day kasta oo ay kooxda dib isugu abaabuli karto.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in hawlgalladaasi ay diiradda saarayaan xaqiijinta amniga guud ee deegaanka iyo deegaannada ku dhow, si loo adkeeyo gacanta dowladda.






