Soomaaliya (Dawan) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaddib markii lagu helay dilka wiil, taasoo sidoo kale sababtay dhimashada aabihiis. Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Sida ay sheegtay maxkamaddu, askariga oo lagu magacaabo Mukhtaar Shakuur Amiin ayaa lagu eedeeyay inuu dilay marxuum Fatxi Cabdullaahi Cabdi. Dhacdadaas ayaa sidoo kale sababtay geerida aabaha marxuumka, Cabdullaahi Cabdi Muuse, kaddib markii uu maqlay dhimashada wiilkiisa oo ahaa kii ugu yaraa.
Dacwada la horgeeyay maxkamadda waxay tilmaameysa in dilku ka dhashay muran la xiriiray taleefanka gacanta ee marxuumka, xilli uu ka soo baxay masaajid uu ku tukaday salaadda duhur.







