Baydhabo (Dawan)— Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), gaar ahaan qaybtooda saddexaad, ayaa Khamiistii deeq cunto ah u qeybiyay 100 qoys oo danyar ah oo ku nool magaalada Baydhabo, xilli gobolka uu weli wajahayo xaalad bani’aadantinimo oo ka dhalatay abaarta sii xoogeysanaysa inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Gargaarkan oo isugu jiray bariis, saliid iyo baasto ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska si ay ugu diyaar garoobaan afurka.
Baydhabo, oo ka mid ah magaalooyinka ay ku barakaceen dad badan oo gudaha dalka ah, ayaa wajahaysa koror weyn oo baahiyaha bani’aadantinimo ah kadib afar xilli roobaad oo xiriir ah oo baaqday, kuwaas oo sababay barakaca malaayiin qof guud ahaan dalka.







