Muqdisho — Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa bogaadiyay sida nabadgelyada ah ee ay u qabsoontay doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyada oo loo arkay tallaabo taariikhi ah oo horumarineysa geeddi-socodka dimuqraadiyadda, isbeddelka amniga iyo dhisidda dowladnimada casriga ah.
Madaxa AUSSOM, Safiir El Hadji Ibrahima Diene, ayaa sheegay in markii ugu horreysay muddo ka badan nus qarni, shacabka Muqdisho ay heleen fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaanka deegaannadooda hanaanka doorasho ee qof iyo cod ah. “Qabsoomidda doorashada si nabad ah, masuuliyad siyaasadeed iyo ka-qaybgal xooggan oo shacabka ah, waxay muujinayaan adkaysiga, geesinimada iyo go’aanka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Safiir Diene, isaga oo tilmaamay in amniga la xaqiijiyay uu yahay guul wadajir ah.







