Muqdisho (Dawan)- Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu kordhiyay muddo-xileedka hawlgalka, kaas oo hadda soconaya illaa 31-ka Diseembar 2026.
Madaxa AUSSOM ahna Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa sheegay in go’aankan uu muujinayo kalsoonida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku qabo doorka AUSSOM ee taageerada amniga iyo geeddi-socodka xasilinta Soomaaliya.
Danjire Diene ayaa tilmaamay in kordhinta muddada hawlgalka ay xaqiijinayso kaalinta muhiimka ah ee AUSSOM ka qaadaneyso sugidda amniga, taageerada dib-u-dhiska hay’adaha ammaanka, iyo garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.




