Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah oo ay soo saaraan Golaha Shacabka ee Dawlada Federaalka Soomaaliyeed ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo.
Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale.Diidmada, laalista iyo ka-qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.
Qodobka 54aad. Kala Qaybinta AwoodahaAwood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalkaiyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo:A) Arrimaha Dibadda;B) Difaaca Qaranka;C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyoD) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeedaiyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka
4. Isbarbardhig Caalami (Comparative Perspective)Khibradaha caalamka ee dalalka federaalka ah ayaa si cad u muujinaya in awoodaha jinsiyadda iyo socdaalka lagu ururiyo Dowladda Federaalka, iyadoo dowlad-goboleedyadu ay door ka qaataan oo keliya dhanka maamulka iyo fulinta. Tusaale ahaan, Mareykanka Dastuurkiisa waxa uu si gaar ah ugu xilsaaray dowladda dhexe dejinta sharciyada jinsiyadda iyo socdaalka (U.S. Constitution, Art. I, §8, cl. 4), halka gobolladu ay ku kooban yihiin fulinta iyo taageeridda sharciyada federaalka.Jarmalka waxa uu ku caddeeyay Grundgesetz (Dastuurka Aasaasiga ah) in jinsiyadda iyo socdaalku yihiin awood federaal oo gaar ah (Art. 73), gobolladuna (Länder) ay kaliya ka qayb qaataan maamulka. Itoobiya, oo leh nidaam federaal qowmiyadeed, waxay Dastuurkeeda ku qeexday in jinsiyadda iyo socdaalku ay yihiin awood gaar ah oo federaal ah (Art. 51(7)), iyadoo dowlad-goboleedyadu aanay sharci dejin karin.Hindiya sidoo kale waxay ku dartay jinsiyadda iyo socdaalka liiska awoodaha Dowladda Dhexe (Union List), taasoo ka dhigan in keliya dowladda dhexe ay sharci ka dejin karto arrimahan. Sidaa awgeed, qaabka ay Soomaaliya u dhigatay awoodaha jinsiyadda iyo socdaalka waa mid waafaqsan dhaqanka caalamiga ah ee federaalka, wuxuuna dammaanad qaadaa midnimada qaran iyo isku xirnaanta muwaadinnimada.