Muqdisho (Dawan)- Waxaa jira hal su'aal oo ay tahay in maanta si daacad ah la isweydiiyo: Yaa ka mas'uul ah kumannaanka dhallinyarada Soomaaliyeed ee jaamacadaha ka qalin-jabiya, balse sannado badan shaqo la'aan ku qaata iyo kuwa badaha ku data iyagoo nolol raadis ah?
Jawaabta waa Dowladda ayaa leh mas'uuliyadda ugu weyn ee dejinta siyaasadaha lagu horumarinayo dhallinyarada, lagu abuurayo shaqooyin, laguna dhisayo dhaqaale fursad siinaya qof kasta oo karti leh. Haddii mas'uuliyaddaas la gudan waayo, dhibaatadu kuma istaagayso qofka shaqo la'aanta ah oo keliya, waxay isu bedeshaa dhibaato qaran.
Dhallinyaradii dalka ugu aqoonta badneyd waxay maalin kasta la kulmaan culeyso shaqo la’aan ah. Qaar waxay shaqo u waayaan khibrad la'aan waayo khibradda shaqada ayey ka timaadaa, qaar waxay ku waayaan eex iyo qaraabo-kiil oo ma haystaan cid albaada xeran u gaaracda, halka qaar kalena ay ogaadaan in shahaadadii ay sannado badan u soo halgameen aysan wax qiimo ah ugu fadhiyin suuqa shaqada.
Waa maxay farriinta ay arrintaas u dirayso jiilka cusub? Waa in waxbarashadu aysan mustaqbal dammaanad u ahayn, in dadaalku aanu waxba beddelayn, iyo in dhalinyaradu ay sugto fursad aan waligeed iman doonin.
Marka rajadu dhimato, waxaa bilaabma raadinta waddo kale oo khater noqon karta. Sidaas ayay tahriibtu u noqotaa "xalka" ay kumannaan dhallinyaro ah u arkaan. Ma aha inay jecel yihiin inay dalkooda ka cararaan, waxay ka cararayaan xaalad aan siinayn waxayna doonayan nolol sharaf leh. Waxay naftooda ku tijaabiyaan badaha iyo saxaraha, iyagoo og in dhimasho ay suurtagal tahay, haddana u arka inay ka wanaagsan tahay rajo la'aanta ay ku nool yihiin.
Laakiin tahriibku kaliya ma aha dhibaatada ee waxaa jira halis ka weyn oo saamayn toos ah ku leh jiritaanka dowladda lafteeda. Marka dowladda ay ku guuldarraysato inay siiso dhallinyarada shaqo, fursad iyo rajo, waxaa booskaas soo gala kooxaha wax kharriba. Kooxahaan ma abuuran saboolnimada iyo shaqo la'aanta kaligood, balse si xeeladaysan ayey uga faa'iidaysataan. Waxay bartilmaameedsadaan dhalinyarada niyad-jabsan, waxayna isku dayaan inay ka dhigtaan hub ay ku wiiqaan dowladnimada.
Cadowga dalka maaha cidda ay dowladdu noo tilmaanto oo kaliya ee waxaa jira cadowyo badan sida gaajada, Fakhriga, dhaca, tuuganimada, caafimaad darrida iyo maandooriyaha. Maanta intaan oo dhibaato ah dhallinyarada dhexdooda si baahsan ayey uga jiraan.
Sidaas darteed, dagaalka lagula jiro argagixisadu oo kaliya ma guulaysan karo haddii uu ku koobnaado rasaas iyo hawlgallo ciidan oo keliya. Guusha dhabta ahi waxay timaaddaa marka la abuuro shaqooyin, la kobciyo dhaqaalaha, lana siiyo dhallinyarada sabab ay ugu hanweynaadaan dalkooda una ilaashadaan danaha ay haystaan sida shaqada oo kale.
Dhanka kale, waxaa la sheeg sheega in dhallinyaradu ganacsi bilaabaan. Laakiin sidee ayay ganacsi ku bilaabi karaan iyagoo aan haysan maalgelin, dammaanad bangi, ama sharciyo dhiirrigelinaya hal-abuurka? Ganacsiga yaryar waxaa horyaalla caqabado dhaqaale, sharci iyo amni. Inta badan bangiyadu ma amaahiyaan lacagaha shaqo lagu bilaabo dhalinyarada aan haysan hanti ay dammaanad dhigtaan, waana caqabadda nidaamyada ganacsiguna aysan si gaar ah u taageerin bilowga ganacsiyada cusub. Dowladda ayaa sameyn karta deymo yar yar oo dhallinyarada la siiyo si ay ganacsiyo yaryar u bilaabaan.
Soomaaliya ma qabto dhibaato dhallinyaro; waxay qabtaa dhibaato siyaasadeed oo ku saabsan sida loo maareeyo awoodda dowladnimo iyo in dowladdu dadka u adeegto iyo maareynta kheyraadka. Jiilka maanta jira waa kii ugu aqoonta badnaa taariikhda Soomaaliya. Haddana waa markii ay Soomaaliya ugu liidatay wax soo saarka dhallinyarada iyo ka faa’iideysigooda.Waxaa sannad walba ka qalin-jabiya jaamacadaha ku yaal Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Kismaayo, Baydhabo, Turkiga, Malaysia, Kenya, Uganda, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika dhallinyaro Soomaaliyeed. Hase yeeshee, aqoontaas qiimaha badan waxaa lagu khasbay inay fadhiid noqoto ama u adeegto dalal kale ama badaha kula dhintaan dhallinyarada.
Waxaan dhowaan ka qeyb galay laba xafladood oo qalin jebin ah oo ka kala dhacay dalalka Ingiriiska iyo Turkiga, waxaana ku soo arkay dhallinyaro badan oo u caabboon inay naftooda iyo dalkooda wax u taraan haddii ay dowladooda u abuurto fursadaha shaqo.
Haddii dowladda Soomaaliyeed ay dhab ka tahay dhismaha dowlad casri ah, waa inay mudnaanta koowaad siisaa dhallinyarada. Taasi waxay ka dhigan tahay in la dejiyo siyaasad qaran oo shaqo-abuur, la dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha iyo dibadda, la taageero ganacsiyada yaryar, la fududeeyo helitaanka maalgelinta, lana xaqiijiyo in shaqooyinka dowladda lagu helo karti iyo hufnaan, ee aan lagu helin xiriir iyo eex.