Hordhac: Xogta Cimiladu Waa Digniin iyo fariin#
Soomaaliya waxay wajahaysaa xilli ay xogta cimiladu u baahan tahay in laga gudbo warbixin farsamo oo loo beddelo faham iyo ficil. Saadaasha cimiladu ma aha xog ku eg khubarada; waxay muhiim u tahay go’aannada xoolo-dhaqatada, beeraleyda, dowladda, hay’adaha bani’aadamnimo iyo bulshada ku nool meelaha nugul. Marka saadaal la helo, waxa muhiimka ahi waa sida loo fasirayo, cidda la gaarsiinayo iyo tallaabada laga qaadayo ka hor inta aysan khatartu muuqan. Halkaas ayay saxaafaddu noqon kartaa buundada isku xirta xogta sayniska iyo bulshada.
Waa Maxay El Niño , Sideese Soomaaliya u Saameyn Kartaa?
El Niño waa xaalad ka mid ah nidaamka cimilada ee loo yaqaan ENSO (El Niño–Southern Oscillation), taas oo la xiriirta isbeddel ku yimaadda heerkulka biyaha Badweynta Baasifigga ee bartamaha iyo bariga. Isbeddelkaasi wuxuu saameyn ku yeelan karaa qaababka roobka iyo heerkulka meelo kala duwan oo dunida ah.
Soomaaliya, waxa muhiimka ahi ma aha magaca El Niño laftiisa, balse waa xaaladda cimilada ee uu la socdo iyo saameynta ay ku yeelan karto dalka. Xilliga Oktoobar–Diseembar (OND), xaaladaha noocan ahi waxay kordhin karaan fursadda roobab ka badan xaddiga caadiga ah ee qaybo ka mid ah Geeska Afrika. Soomaaliya, roobabkaasi waxay taageeri karaan helitaanka biyaha, daaqa iyo wax-soo-saarka beeraha, balse haddii ay xad-dhaaf noqdaan waxay kordhin karaan khatarta fatahaadaha.
Sidaas darteed, El Niño looma fasiran karo saadaal toos ah oo sheegaysa in fatahaad meel kasta ka dhici doonto. Waxa saxda ah waa in la fahmo iyadoo lala xiriirinayo saadaasha xilliyeed ee gobolka iyo tan Soomaaliya.
Casharrada Fatahaadaha dayrtii biya badan
Soomaaliya waxay leedahay waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan fatahaadaha ka dhasha roobab culus. El Niño-kii 1997–1998 wuxuu sababay fatahaado baahsan, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya iyo deegaannada ku dhow webiyada Jubba iyo Shabeelle, waxaana ka dhashay khasaarooyin waaweyn oo naf, hanti, dalag iyo xoolo ah.
Fatahaado waaweyn ayaa sidoo kale dhacay 2006, 2018, 2019 iyo 2023. Dhacdooyinkaas waxay muujinayaan in saameynta roobabka aysan ku xirnayn oo keliya xaddiga roobka, balse ay sidoo kale ku xiran tahay heerka diyaar-garowga, xaaladda kaabayaasha iyo awoodda hay’adaha iyo bulshada ee ka jawaabista khatarta.
Casharka ugu weyn ayaa ah in saadaasha aan la sugin maalinta musiibadu dhacdo.
Saadaasha 74-aad ee Greater Horn of Africa Climate Outlook Forum (GHACOF74) ee xilliga OND 2026 waxay muujinaysaa xaalad u baahan feejignaan iyo diyaar-garow.
Sida ay sheegtay ICPAC, waxaa jirta qiyaastii 90% fursad roobab ka sarreeya caadiga ah ay ka da’aan koonfurta Itoobiya, bartamaha ilaa koonfurta Soomaaliya iyo waqooyi-bari Kenya. Qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa sidoo kale leh in ka badan 90% fursad ah in roobabka OND ay dhaafaan 400 millimitir.
Tiradan waa in si sax ah loo fahmo. 90% ma aha dammaanad ah in roobku sidaas u da’ayo, halka 400 millimitirna aysan ahayn celceliska roobka Soomaaliya oo dhan. Waa saadaal probabilistic ah oo tilmaamaysa fursad sare oo ka jirta meelo gaar ah.
ICPAC waxay sidoo kale saadaalisay in bilowga roobabka uu noqon karo mid hore ama ku dhow xaddiga caadiga qaybo badan oo Soomaaliya ah, halka heerkul ka sarreeya celceliska laga filayo qaybo badan oo dalka ah. Hay’adda Saadahsa Adeegga Cimillada Aduunka (WMO) waxay xustay in xilliga Oktoobar Iyo Diseember (OND) uu yahay xilli muhiim u ah Geeska Afrika, maadaama uu qayb weyn ka yahay roobka sannadlaha ah ee qaybo ka mid ah Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Roobabka ka badan caadiga ah waxay taageeri karaan biyaha iyo daaqa, balse roobab xad-dhaaf ah waxay kordhin karaan fatahaadaha, burburka kaabayaasha, khasaaraha dalagyada iyo carqaladda adeegyada muhiimka ah.
Doorka Warbaahinta iyo habka gudbinta saadasha
Marka saadaasha cimiladu soo baxdo, shaqada saxafigu ma aha inuu tirooyinka kaliya ku celiyo bulshada. Waa inuu sharxaa waxa ay xogtu uga dhigan tahay dadka ay khusayso.