Kismaayo (Dawan) — Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa habeenkii Arbacada xarigga ka jaray wajiga koowaad ee mashruuca dib-u-dhiska iyo casriyeynta Dekedda Kismaayo, kaas oo ay iska kaashadeen maamulka Jubaland iyo shirkadda Abu Dhabi Ports Group (AD Ports Group) ee Imaaraadka Carabta.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Jubaland, munaasabadda waxaa lagu daahfuray dhismayaal cusub iyo kaabayaal loogu talagalay horumarinta adeegyada iyo qalabka dekedda, si loo kordhiyo awoodda shaqo iyo tayada adeegyada ay siiso ganacsatada.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale daahfuray dib-u-hawlgelinta xafiisyada iyo waaxyaha kala duwan ee dekedda, kuwaas oo dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu sameeyay si loo hagaajiyo maamulka, loona dardargeliyo hawlaha shaqo. Intii ay munaasabaddu socotay, Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dekedda iyo mas’uuliyiinta shirkadda AD Ports Group, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay hawlaha la qabtay iyo qorshayaasha la xiriira wejiyada xiga ee mashruuca.