Muqdisho (Dawan) — Taliye Ku-xigeenkii Booliska Soomaaliya, Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkiisa, isaga oo go’aankiisa ku sababeeyay caddaalad-darro iyo eex uu sheegay inay ka jiraan hay’adaha amniga, gaar ahaan habka loo dallacsiiyo saraakiisha ciidamada.
Qoraal uu soo saaray ayuu sarkaalku ku sheegay in caddaaladdu tahay saldhigga dowladnimada, isaga oo xusay in marka madaxdu ka leexdaan sharciga iyo garsoorka ay taasi horseedi karto burburka nidaamka iyo kala fogaanshaha bulshada. Waxa uu intaas ku daray in muddo 18 sano ah uu ka soo shaqeynayay arrimaha amniga, isla markaana uu leeyahay aqoon iyo khibrad dhinaca ciidamada ah. Intaas ka hor, ayuu sheegay inuu ahaa macallin jaamacadeed.
Wuxuu dhaliilay habka loo dallacsiiyo saraakiisha, isaga oo sheegay in qaar aan soo marin tababarka aasaasiga ah ee ciidamada la gaarsiiyo darajooyin sare, taas oo lagu saleeyo xiriir qaraabonimo halkii laga eegi lahaa aqoontooda iyo khibraddooda. Sida uu sheegay, arrintani waxay culays ku tahay saraakiisha leh aqoonta iyo khibradda shaqo, kuwaas oo laga filayo inay la shaqeeyaan saraakiil uu sheegay in dallacsiintoodu aysan ku dhisnayn karti iyo waayo-aragnimo.