Abu Dhabi (Dawan) — Anwar Gargash, oo ah la-taliyaha arrimaha diblomaasiyadda ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa dhaliilay eedeymihii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Imaaraadka, isaga oo ku eedeeyay inuu danihiisa gaarka ah ka hormarinayo danaha qaranka Soomaaliya, isla markaana uu mowqifyadiisa siyaasadeed bedbeddelo.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, Gargash ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay “Madaxweyne uu dhamaaday mudda xileedkiisa" , isaga oo sheegay in dhaliilaha uu u jeediyay Imaaraadku ay muujinayaan isbeddel ku yimid mowqifkiisa siyaasadeed. Waxa uu sidoo kale sheegay in loollanka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya uu dalka ku jiidayo khilaafaadka gobolka.
Gargash ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu garab taagnaa Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii ugu adkaa ee ay soo mareen. Waxa uu ku dooday in Soomaaliya lagu dhex daro khilaafaadka siyaasadeed ee gobolka aysan dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo doonaya amni iyo xasillooni. Waxa uu intaas ku daray in xiriirka Imaaraadka iyo shacabka Soomaaliyeed uu yahay mid soo jireen ah oo qoto dheer, isla markaana ka weyn khilaafaadka siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah, danaha gaarka ah iyo damacyada siyaasadeed.