Kismaayo 18 December 2025 (Dawan)- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dhaliilo culus u jeediyay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalka uu wajahayo marxalad halis ah oo u baahan samatabixin degdeg ah iyo talo-wadaag ballaaran.
Isaga oo ka hadlayay shirka mucaaradka ee maanta ka furmay magaalada Kismaayo, Axmed Madoobe ayaa sheegay inuusan shaqsi ahaan wax gaar ah u qabin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, balse uu jiro khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka iyo habka loo maamulayo talada dalka.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dooday in Soomaaliya ay “god ku sii dhacayso”, isla markaana laga leexday sharciyadii lagu heshiiyay iyo dhaqankii siyaasadeed ee ku dhisnaa wada-tashi iyo Soomaalinimo, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed ee taagan ay fursad u abuureen kooxaha argagixisada.






