Muqdisho, 19-ka Sebteembar 2025 – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka, oo markii hore lagu qorsheeyay in lagu qabto Sabtida, 20-ka Sebteembar 2025, dib loogu dhigay 29-ka Sebteembar 2025.
Qoraal loo diray Xildhibaanada maanta, oo ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa lagu sheegay in codsi uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu sababay dib-u-dhacan.
“Xildhibaanada Sharafta leh, furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku mudaysnaa in la qabto berrito, Sabti 20-ka Sebteembar 2025, waxaa dib loogu dhigay 29-ka Sebteembar 2025, codsi inooga yimid Madaxweynaha daraaddiis,” ayaa lagu yiri qoraalka uu ku saxiixnaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka oo loo diray xildhibannada.
Sida uu dhigayo sharciga, Madaxweynaha ayaa fura kulamada furitaanka kalfadhiyada labada Aqal ee Baarlamaanka. Dib-u-dhaca ayaa loo sababeeyay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh, oo toddobaadkan ka qeyb galaya Shirweynaha Guud ee 80-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York.
Baarlamaanka, oo fasaxiisa sharciyeed uu dhammaaday, ayaa ahayd in uu furmo 23-kii Agoosto. Si kastaba ha ahaatee, jadwalkan cusub ayaa ka dhigan in hawlaha Golaha dib loo dhigay muddo ku dhow lix toddobaad.
Kalfadhigan 7aad ayaa la filayaa in Golaha Shacabka uu diiradda saaro sharciyo muhiim ah oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, sidoo kale wax ka beddelka cutubyada harsan ee Dastuurka KMG ah, iyo dib ugu noqoshada qaar ka mid ah cutubka afraad oo wax ka beddel lagu sameeyay kadib heshiiskii siyaasadeed ee ay wada gaareen xubnaha Madasha Samata-bixinta iyo Villa Somalia.