Addis Ababa (Dawan)- Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kaas oo ka kooban 22 wasiir iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen.
Ansixinta ayaa ka dhacday kalfadhiga labaad ee muddada toddobaad ee Baarlamaanka, saddex maalmood kadib markii Abiy Axmed mar kale loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha, muddo shan sano ah. Tirada xildhibaannadii u codeeyay ansixinta lama shaacin, waxayna warbaahinta Itoobiya ay sheegtay oo keliya in Golaha Wasiirrada si wadajir ah loo ansixiyay.
Golaha cusub waxaa ku jira wasiirro horey xilal kale u hayay, qaar xilalkooda loo cusbooneysiiyay iyo 10 wasiir oo cusub.
Wasiirrada xajistay xilalkooda
Temesgen Tiruneh ayaa kusoo laabtay xilka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka. Sidoo kale, toddoba wasiir ayaa sii xajistay xilalkoodii, kuwaas oo kala ah:
Gedion Timothewos – Wasiirka Arrimaha Dibadda
Addisu Arega – Wasiirka Beeraha
Birhanu Nega – Wasiirka Waxbarashada
Hana Arayaselassie – Wasiirka Caddaaladda
Habtamu Itefa – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
Mekdes Daba – Wasiirka Caafimaadka
Aynalem Niguse – Wasiirka Dakhliga
Isbeddellada lagu sameeyay qaar ka mid ah wasiirro hore uga tirsanaa Xukuumadda
Isbeddellada ugu waaweyn waxaa lagu sameeyay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Difaaca. Fitsum Assefa, oo muddo siddeed sano ah hoggaaminayay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta, ayaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda, isagoo beddelay Axmed Shide, oo 5-dii Oktoobar loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka.
Mohammed Idris, oo horey u ahaa Wasiirka Nabadda, ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Difaaca.
Sidoo kale, saddex wasiir ayaa loo wareejiyay wasaarado kale. Selamawit Kassa ayaa loo magacaabay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska, Alemtsahay Paulos Wasiirka Macdanta, halka Shewit Shanka loo magacaabay Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada.