Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axaddii Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Sonatrach, oo ah shirkadda shidaalka iyo gaaska ee dowladda Aljeeriya. Kulanka ayaa looga hadlay mashaariic iskaashi oo ku saabsan shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga ku qaabilay xafiiskiisa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Sonatrach ee mashaariicda wadajirka ah ee dhinacyada shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah.
Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay wafdiga, isagoo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go'an tahay horumarinta iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si ay door muuqda uga qaataan koboca dhaqaalaha iyo horumarka Soomaaliya. War-saxaafadeedka Madaxtooyada laguma sheegin in kulanka lagu gaaray heshiis, sidoo kalena laguma faahfaahin mashaariicda gaarka ah ee laga wada hadlay.