Dhuusamareeb (Dawan)– Haweenka ayaa la siiyay lix ka mid ah 66-ka xil ee xukuumadda cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo Axaddii uu magacaabay Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan, sida ku cad xeerka lagu shaaciyay magacaabista.
Liibaan Axmed Xasan ayaa magacaabay 24 wasiir, 18 wasiiru-dowlayaal iyo 24 wasiir ku-xigeen, isagoo adeegsanaya Xeer Hoggaamiye LR-007, kaas oo la akhriyay fiidnimadii Axadda.
24-ka wasiir ee buuxa hal ayaa ah haweeney. Haweeya Ismaaciil Axmed ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Xuquuqul Aadanaha.
Laba haween oo kale ayaa loo magacaabay wasiiru-dowlayaal: Salma Maxamed Ciid oo loo magacaabay Wasaaradda Deegaanka, Ilaalinta Duurjoogta iyo Isbeddelka Cimilada, iyo Canab Maxamed Cosoble oo loo magacaabay Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Xuquuqul Aadanaha.
Saddex haween ah ayaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenno: