Muqdisho (Dawan) — Jaamacadda Carabta ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay deeq ka kooban daawooyin iyo agab caafimaad oo loogu talagalay dhowr isbitaal oo ku yaalla Muqdisho, sida uu sheegay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Cabdullaahi Al-Cutaybi. Safiirka ayaa sheegay in deeqdan ay Jaamacadda Carabtu bixisay iyadoo taageero ka helaysa wasiirrada caafimaadka ee dalalka Carabta, isla markaana loo soo mariyay xafiiskeeda Muqdisho.
“Taageeradan waxaa ku jira daawooyin iyo agab caafimaad oo loogu talagalay dhowr xarumood, oo ay ka mid yihiin Isbitaalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyo Isbitaalka Shangaani oo ay dhistay Jaamacadda Carabta,” ayuu yiri Al-Cutaybi.
Dhankiisa, Safiirka Masar ee Soomaaliya, Maxamed Saalax, ayaa munaasabadda wareejinta deeqda ka sheegay in gargaarkan lagu ansixiyay go’aan uu Golaha Wasiirrada Caafimaadka Carabta gaaray bishii May 2025. Waxa uu tilmaamay in go’aankaas kaddib ay wada-shaqeyn dhexmartay Guddiga Caafimaadka ee Jaamacadda Carabta iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Dadweynaha Masar, taas oo loo xilsaaray kormeerka fulinta go’aanka, diyaarinta daawooyinka iyo agabka caafimaadka, iyo qabanqaabinta sidii Soomaaliya loogu soo diri lahaa.