Jabuuti, 27 Oktoobar 2025 — Golaha Wakiillada ee Jabuuti ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in la tirtiro xadka da’da ugu sarreysa ee musharraxiinta madaxtinimada, taasoo qayb ka ah dib-u-habayn dastuur oo la meel mariyey Axaddii.
Go’aankan lagu baabi’iyey xadka hore ee 75 jir wuxuu si dhab ah u furaa waddada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 77 jir ah, si uu mar kale isu soo taago doorashada madaxtinimo ee qorshaysan sanadka dambe. Geelle wuxuu xilka hayey tan iyo 1999.
Fadhiga guud ee uu guddoominayey Guddoomiyaha Golaha, Dileyta Maxamed Dileyta, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Cabduqaadir Kaamil Maxamed, ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyey Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Dastuurka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cawaale Yaacin ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka ee Jabuuti (RTD) in dib-u-habaynta ay ku jirto Qodobka 23-aad, kaas oo hadda dhigaya in musharrax kasta oo u tartamaya madaxtinimada uu:
• ugu yaraan da’diisu tahay 40 sano,
• haysto dhalasho Jabuutiyaan keliya,
• isla markaana uu dalka Jabuuti deggenaa ugu yaraan shan sano oo xiriir ah ka hor inta uusan isdiwaangelin musharrax ahaan.
Dib-u-eegista dastuurka ayaa sidoo kale soo kordhisay isbeddello kale oo ay ka mid yihiin:
• In si cad loogu daro Dastuurka dagaalka lagula jiro gudniinka fircooniga ah (FGM).
• In tirada xubnaha Golaha Dastuuriga ah laga kordhiyo lix oo la gaarsiiyo ilaa sagaal, muddada xilkoodana laga dhigo sagaal sano halkii ay ka ahayd siddeed.
• In la sameeyo sharci gaar ah oo ku saabsan maaraynta miisaaniyadda qaranka, si loo xoojiyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed.
Xildhibaannada ayaa ku tilmaamay dib-u-habayntan “tallaabo taariikhi ah oo lagu casriyeynayo hay’adaha dawliga ah,” iyagoo sheegay inay ka tarjumayso “xasillooni, caddaalad sharci iyo sii wadidda dimuqraadiyadda.”




