Jabuuti – 6 Janaayo 2026 (Dawan)- Baarlamaanka Jabuuti ayaa shalay si rasmi ah u ansixiyay sharciga cusub ee doorashooyinka, kaddib markii hore loo meel mariyay xeerka da’da ugu sarreysa ee musharaxiinta madaxtinimada, taas oo qayb ka ah dib-u-habaynta doorashooyinka dalka iyo diyaarinta doorashada madaxtinimo ee 2026-ka.
Kalfadhiga gaar ah ee baarlamaanka, oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka, DileitaMaxamed Dileita, ayaa lagu meel-mariyay xeerkan cusub, kaas oo lagu tilmaamay mid hagaajinaya habka doorashooyinka, isla markaana xoojinaya hufnaanta iyo cadaaladda nidaamka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Siciid Nuur Xasan, ayaa faahfaahiyay isbeddellada uu xeerku sameynayo, isagoo sheegay in xeerkan lagu xoojinayo shuruucda diiwaangelinta codbixiyayaasha, iyo in la dhiso hay’ado madaxbannaan oo kormeera hannaanka doorashada, si loo hubiyo in doorashadu u dhacdo si hufan oo daahfuran.
Isbeddellada ugu muhiimsan ee sharciga doorashooyinka waxaa ka mid ah:







