Muqdisho (Dawan) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Axaddii soo afmeeray dood adag oo socotay ku dhowaad laba toddobaad, taas oo ku saabsanayd dib-u-eegista cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka dalka, ka dib markii fadhiyada qaar ay hareeyeen gacan-ka-hadal iyo iska horimaad u dhexeeyay xildhibaanada.
Dooddan, oo bilaabatay 7-dii bishii February, ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu qabyo-tiro dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo muddo ka badan toban sano aan la dhamaystirin.
Doodda iyo Shuruudaha Cusub
Cutubyada la falanqeeyay ayaa taabanaya lafdhabarta nidaamka dawladnimo, iyadoo cutubka 6-aad ee Baarlamaanka uu dhaliyay muranka ugu xooggan. Qodobbada cusub ee la soo jeediyay waxaa ka mid ah in xubnaha Baarlamaanka aysan isku mar noqon karin wasiirro, iyo in musharrixiintu ay dalka deggan yihiin ugu yaraan labadii sano ee u dambeeyay.
Dhinaca kale, cutubka 7-aad ee khuseeya Madaxweynaha ayaa soo bandhigay shuruudo adag oo ay ka mid yihiin in musharraxa laga rabo 15 sano oo waayo-aragnimo siyaasadeed ah iyo inuu si cad u shaaciyo hantidiisa ka hor intaan la dooran. Sidoo kale, waxaa dib loo adkeeyay in madaxweynuhu uusan xafiiska joogi karin wax ka badan laba muddo-xileed.
Rabshado iyo Ganaaxyo







