Muqdisho (Dawan)– Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa beenisay inay muwaadiniinta Imaaraadka Carabta ka mamnuucday soo gelitaanka dalka, iyadoo sheegtay in warqad baraha bulshada ku faaftay oo arrintaas lagu shaaciyay ay tahay been-abuur.
Warqadda oo ku taariikhaysan 19-ka Nofeembar, isla markaana sidata astaanta hay’adda, ayaa lagu sheegay in dadka wata baasaboorka Imaaraadka laga joojiyay inay dalka soo galaan “ilaa ogeysiis kale”. Waxa kale oo shirkadaha diyaaradaha ee duullimaadyada ku taga Soomaaliya lagu amray inaysan rakaabkaas soo qaadin iyaga oo aan horay u helin oggolaansho.
“Waa been-abuur. Nidaam ahaan, diyaaradaha waxaa maamula hay’adda duulista rayidka,” ayuu Dawan Media u sheegay Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidoow), Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Warqadda been-abuurka ah waxaa lagu saxiixay magaca agaasimaha guud, Xuseen Qaasim Yuusuf