Muqdisho (Dawan) — Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa su’aal geliyay isbeddelka mowqifka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Imaaraadka Carabta, isaga oo sheegay in xiriirkii dhowaa ee labada dhinac uu dhaliyay su’aalo ay shacabka Soomaaliyeed jawaabo uga baahan yihiin.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dalal Carbeed oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Qatar ay Madaxweyne Xasan Sheekh u fidiyeen casuumaado markii dib loo doortay, balse uu isagu doortay in Imaaraadku noqdo dalkii ugu horreeyay ee uu booqdo. Waxa uu sheegay in madaxweynuhu ku dhawaad toban jeer booqday Imaaraadka, safarro rasmi ah iyo kuwo qarsoodi ahba, isaga oo xusay in qaar ka mid ah safarradaas aan lagu wargelin Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, wasiirkeeda iyo safiirka Soomaaliya ee Abu Dhabi.
Sida uu sheegay xildhibaanku, mas’uuliyiintaasi mararka qaar waxay safarrada madaxweynaha ogaayeen kaddib markii uu dalka dib ugu soo laabtay, mana aysan ka qaybgelin kulamadii uu la yeeshay madaxda Imaaraadka. Waxa uu sidoo kale xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hore si weyn u ammaanay Imaaraadka, isaga oo sheegay in dalkaasi uu tababaray, qalabeeyay, isla markaana mushaarka siin jiray ciidamo ka qayb qaatay xasilinta Muqdisho.