Muqdisho (Dawan)- Tirada ardayda dhigata dugsiyada dowladda Soomaaliya ayaa korortay 91% afartii sano ee la soo dhaafay, iyadoo gaartay 517,412 arday sanad-dugsiyeedka 2026–2027, marka loo eego 270,180 arday sanad-dugsiyeedkii 2022–2023. Kororkan oo ka badan 247,000 oo arday ayaa lagu shaaciyay munaasabad lagu xusayay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar, taas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Kororka ardayda dhigata dugsiyada dowladda ayaa muujinaya tirada sii kordheysa ee carruurta ka faa'iideysanaya waxbarashada dowladda, iyadoo arrintani sidoo kale kordhinayso baahida loo qabo macallimiin dheeraad ah iyo adeegyo waxbarasho oo tayo leh.