Muqdisho (Dawan)— Magaalada Muqdisho waxaa 20-kii Nofeembar ka qabsoontay munaasabad guur-wadareed oo loogu sameeyay shan qoys oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo loo fududeeyay inay si wadajir ah u bilaabaan nolol qoys.
Guur-wadareedkan oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Horumarinta Arrimaha Qoyska ee Gurya Samo ayaa waxaa ka faa'iideystay shan qoys. Saddex ka mid ah lammaanayaasha ayaa ah dad qaba naafonimada maqalka, halka labada kale ay yihiin dad qaba naafonimada aragga.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta ka qeybqaatay guur-wadareedkan, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in la isu keeno lammaanayaashan, si ay uga mid noqdaan qoysaska Soomaaliyeed.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta u wada joogno inaan dhiseyno qoysas ka mid noqonaya qoysaska Soomaaliyeed. Ilaa iyo shan qoys ayaan dhiseynaa, kuwaas oo ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba,” ayuu yiri Madaale.