Ankara (Dawan)– Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ansixiyay heshiis deeq alaabeed ah oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo la xiriira maalgelinta dhismaha xarun cusub oo Safaaradda Soomaaliya ay ka dhisanayso magaalada Ankara, sida lagu sheegay Wargeyska Rasmiga ah ee Turkiga.
Heshiiska, oo loogu magac daray “Heshiiska Taageerada Deeqda Alaabta”, ayaa labada dowladood ku kala saxiixdeen magaalada Ankara 6-dii Luulyo 2022. Go’aanka madaxweynaha ee lagu ansixiyay heshiiska ayaa Sabtidii lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah, iyadoo Erdoğan uu saxiixay Jimcihii. Wargeyska Rasmiga ah ma uusan shaacin faahfaahinta deeqda iyo qiimaheeda.
Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda X ku sheegtay in Erdoğan uu saxiixay oggolaanshaha miisaaniyadda mashruuca dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Ankara. Safaaraddu waxay sheegtay in tallaabadani ay waddada u xaareyso hirgelinta mashruuca dhismaha xarunta cusub, kaas oo la filayo inuu dhowaan ka bilowdo magaalada Ankara. Waxay sidoo kale mashruuca ku tilmaantay astaan muujinaysa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Ansixinta heshiiskan ayaa timid in ka badan afar sano kaddib markii labada dowladood ay kala saxiixdeen.