Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa Muqdisho u soo wareejinaysa kaydka tallaalka, oo in ka badan 30 sano laga maamulayay dalka Kenya, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan. Wasiirka ayaa barnaamijka Miisaan Podcast ee Dawan Media u sheegay in xarunta weyn ee kaydka tallaalka (Cold Chain), oo laga dhisayo gudaha Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho, ay haatan gabagabo marayso.
“Xamar ayaa loo soo wareejinayaa. Xaruntii weynayd ee kaydka tallaalka (Cold Chain) laga dhisayo Isbitaalka Forlanini, gabagabo ayay hadda maraysaa,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in kaydka tallaalka Soomaaliya muddo soddon iyo dhowr sano ah laga maamulayay dalka Kenya.
Kaydka tallaalka (Cold Chain) waa nidaam xarumo iyo qalab qaboojin ah oo lagu kaydiyo tallaallada heerkul cayiman, si loo ilaaliyo tayadooda iyo waxtarkooda inta aan loo qaybin xarumaha caafimaadka. Tallaalladu waxay lumin karaan waxtarkooda haddii aan si habboon loo kaydin.
Wasiirku ma uusan sheegin goorta ay wareejintu dhammaan doonto, xilliga ay xaruntu si buuxda u shaqo bilaabi doonto, cidda maalgelisay iyo kharashka ku baxay dhismaheeda.