Garoowe (Dawan) โ Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga qaaday xubinnimada ย golaha ย Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kadib kulan cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay aqbalaadda xil ka qaadistiisa.
Fadhiga oo ahaa kii 15-aad ee Kalfadhiga 56-aad ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid. Intii uu socday kulanka, 38 xildhibaan ayaa u codeeyay in Cabdirashiid laga xayuubiyo xildhibaanimada, hal xildhibaan ayaa diiday halka 4 kalena ay ka aamuseen.
โFadhiga maanta, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen ๐ฎ๐พ๐ฏ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐น๐๐บ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐
๐๐ฏ๐ถ๐ป๐ป๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ee Xildhibaan ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ ๐ฌ๐๐๐๐๐ณ ๐๐ถ๐ฏ๐ฟ๐ถ๐ถ๐น.โ Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Wakiillada Puntland.
Goโaankan ayaa yimid kadib codsi rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Puntland, kaas oo bishii July 13-keedii ku eedeeyay Xildhibaan Cabdirashiid falal dambiyeedyo ka dhan ah amniga Puntland. Xeer-ilaalintu waxay ku dalbatay in xasaanadda laga qaado si hayโadaha amniga ay u qabtaan.
Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa isagu si iskiis ah horey ugu dhawaaqay inuu iska casilay xubinnimada Golaha Wakiillada, ka hor inta aan Golaha si rasmi ah uga qaadin xilka.
Xildhibaan Cabdirashiid waxaa laga soo doortay gobolka Sanaag โ deegaan ay Puntland sheegato balse hadda uu ka socdo dhismha maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo dhismihiisu marayo heer gabagabo ah.