Soomaaliya, 15 Oktoobar 2025 — Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dooranaya sagaal xubnood oo matali doona Soomaaliya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA).
Qoraal kasoo baxay Golaha Shacabka Talaadadii ayaa sheegay in guddiga wadajirka ah ee xulista iyo diiwaangelinta musharrixiinta uu xaqiijiyay in habka diiwaangelinta iyo shahaado guddoonsiinta musharrixiinta la soo gabagabeeyay, iyadoo dhammaan musharrixiintu ay buuxiyeen shuruudaha sharciga ah ee doorashada.
“Guddigu si rasmi ah ayuu u soo gabagabeeyay diiwaangelinta iyo shahaado guddoonsiinta musharrixiinta, waxaana doorashada xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika lagu wadaa in ay dhacdo berri,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Shacabka.








