Soomaaliya, 9 Febraayo 2026 (Dawan)- Xildhibaanada federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah soo gabagabeeyay wada-hadallo ku saabsan cutubka afraad ee dastuurka ku meel gaarka ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka.
Fadhiga wadajirka ah ee labada gole ee Baarlamaanka – Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare – ayaa diiradda lagu saaray dooddaa wax ka beddelka Qodobada 49, 50, iyo 54, kuwaas oo la xidhiidha nidaamka doorashooyinka dalka.
Qodobbadan ayaa markii ugu horreysay loo soo bandhigay baarlamaanka Sabtidii Ibuucaan.
Qodobbada laga doodayo ayaa dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu doorto madaxweynaha Soomaaliya, halka golayaasha dowlad-goboleedyada ay dooranayaan hoggaamiyeyaashooda iyo ku xigeenadooda.
Madaxweynaha ayaa xaq u lahaan doona in uu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha, iyada oo uu ansixinayo Golaha Shacabka, waxaana kalsoonida kala noqon kara ra'iisul wasaraaha Baarlamaanka.
Xisbiyada siyaasadda waa in ay helaan ugu yaraan 10% kuraasta baarlamaanka federaalka si loo aqoonsado in ay yihiin xisbiyo qaran.







