Ankara (Dawan)- Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa Jimcihii ansixiyay hindise sharciyeed oggolaanaya heshiis iskaashi oo ku saabsan taageerada Soomaaliya, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Anadolu.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Turkiga ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay hindise sharciyeed, kaas oo oggolaanaya maalgelinta dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ankara.


