Dhuusamareeb (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah ugu baaqay kuwa uu ku tilmaamay in uu "salfudeedka qaaday" inay dib u soo laabtaan oo khilaafaadka ku xalliyaan wada-hadal, isaga oo ka hadlayay caleemasaarka hoggaamiyaha cusub ee dowlad-goboleedka Galmudug.
“Intii salfudeedka qaaday waxaan leenahay: Soo noqda! Wali dalku waa dalkiinii, dowladduna waa dowladdiinii,” ayuu Xasan Sheekh ka yiri xafladda ka dhacday Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, wuxuuna raaciyay “Xal kuma jiro in cadowga lala safto. Xal kuma jiro in dhiig la daadiyo.”
Wuxuu sheegay in mowqifka dowladda federaalka uu weligiis ahaa in heshiis siyaasadeed lagu gaaro wada-xaajood iyo wada-hadal, “oo aan lagu gaarin dagaal, cunfi, colaad iyo qoryo la qaato”.
“Dowladdu haddii ay wax qaldeyso, gacanta laga qabto waa oggol nahay, Laakiin looga qabanmaayo madaafiic.” ayuu yiri.