Jabuuti (Dawan)– Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa mar kale xaqiijiyay iskaashigooda istiraatiijiga ah, kaddib kulan heer sare ah oo Arbacadii ka dhacay magaalada Jabuuti, kaas oo diiradda lagu saaray amniga iyo iskaashiga dhinaca difaaca. Kulanka oo ka dhacay Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Jabuuti waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Jabuuti iyo wafdi ka koobnaa safiirrada dalalka xubnaha ka ah Golaha Siyaasadda iyo Amniga ee Midowga Yurub (COPS).
Wafdiga waxaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, ahna afhayeenka dowladda, Cabdulqaadir Xuseen Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna sii-hayaha xilka Wasiirka Difaaca, Cumar Cabdi Saciid.
Wafdiga Midowga Yurub waxaa hoggaaminaysay Safiirad Lene Vensild. Wafdigan ayaa matalayay Golaha Siyaasadda iyo Amniga ee Midowga Yurub, oo ah hay’ad muhiim ah oo ka tirsan Golaha Midowga Yurub, kana shaqaysa hagidda iyo isku-dubbaridka siyaasadda arrimaha dibadda, amniga iyo difaaca ee Midowga.