Muqdisho (Dawan)— Xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa taageero u muujiyay go’aan lagu baahiyay baraha bulshada ee Maxkamadda Sare, kaas oo ka dhan ah wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ee 2012.
Madasha oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay soo dhoweynayso qodobada ku xusan go’aanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin in muddada xilhaynta hay’adaha dowladda ay tahay afar sano iyo in hay’adaha hadda jira ay xilka ku joogaan muddo dhaaf. Sidoo kale, go’aanka lagu baahiyay baraha bulshada ee Maxkamadda Sare ayaa farayay in muddo 90 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho heshiis siyaasadeed lagu yahay.
Madasha Samatabixinta waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Waxay sheegeen in go’aankaasi dalka ka caawin karo inuu ka gudbo khilaafka siyaasadeed ee taagan.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa walaac ka muujiyay xaaladda amni ee garsoorayaashii soo saaray go’aanka, isagoo sheegay in ciidamo la dul dhigay, isla markaana ay jiraan falal ka dhan ah shaqaalaha maxkamadda.