Soomaaliya, 10 October 2025 (Dawan) – Maxkmadda gobolka Banaadir ayaa shalay soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysanayaa 4 ah oo 3 ka mid ah ay ahaayeen maqanayaal loo heysto maalgelinta Al-shabaab iyo lacag dhaqis, iyada oo xisaabaadkooda bank ay dhex martay lacag dhan 12,862,710 dollar laga soo bilaabo 2016 ilaa 2025.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah: Samatar Daahir Axmed, Xasan Aadan Cabdulle, Xasan Maxamed Ibrahim oo maqanayaal ah iyo Maryama Maxamed Nuur oo goob joog ahayd.
Xafiiska xeer-ilaaliya Qaranka ayaa sheegay in eedeymaha loo heysto Maryan ay soo bilowdeen 2016 iyaga oo ku eedeeyay in ay ahayd isku xiraha u dhaxeeyay shabakad ka shaqeyneysay maalgelinta Al-shabaab iyo lacag dhaqista. Eedaha maxkmadda lagu soo bandhigay ee Maryan loo heystay waxaa ka mid ahaa in ay lahayd 5 account oo kala duwan kuwaas oo ay dhex martay malaayiin doolar. Maryan ayaa isku difaacdayb in ay lacagtaan ka heshay maalgelin ay ku sameysatay Forex.
Xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in maryan ay lacagaha ay galisay dhul si ay ugu bedasho hanti muutaqa taas oo qeyb ka ah hahabka loo isticmaalo lacag dhaqista.
Sida lagu soo bandhigay eedda loo heysto Maryan in lacagaha ay ka heshay Xasan Aadan Cabdulle, Xasan Maxamed Ibrahim, iyo Samatar Daahir oo dhamaan ku eedeysay in ay ka tirssan yihiin shabakad Al-shabaab u qaabilsan maalgelinta iyo lacag dhaqista.
Maryan oo damiin lagu sii daayay ayaa bedeshay magacyada numbero ay horay u isticmaali jirtay sida uu xafiiska ku soo eedeeyay, iyada oo eedaasna ku leexisay shirkadaha bixiyay numberadaas, xilli ay ka jawaabeysay eedaas.
Eedaha qaar ee loo heysto Maryan ayaa xiriir la leh eedeysanayaal kale oo ay maxkamdda horay u xukuntay.
Mid ka mid ah qareenadda u dooday 4 eedeysane ayaa sheegay in Xasan Maxamed Ibraahim oo ah 71 jir oo maqane ka ah dhageysiga dacwadda uul maraya xillikii ay maxkamadda ka dhaafi lahayd ciqaabta xukunadda, isaga oo sheegay in eedeysanahaan aysan xafiiska xeer ilaaliyaha cadeynin meesha uu ku sugan yahay xataa in uu nool yahay ama dhintay midna.
Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Salaax Cali Maxamuud Dawaan oo soo xiray dhageysiga eedaha dacwadaan ayaa sheegay in maxkmadda ay go’aan ka soo saari doonto kiiskaan.



