Boorama (Dawan)– Iyadoo magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay calanka Israa’iil isla markaana maamulka Somaliland uu ku dhawaaqay laba maalmood oo dabaal-deg ah, ayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxaa ka dhacay bannaanbaxyo ballaaran oo si cad uga soo horjeeda aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Boqolaal qof oo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Boorama ayaa watay calanka Falastiin iyo boorar ay ku qornaayeen hal-ku-dhegyo ka dhan ah Israa’iil iyo tallaabada ay ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.
Bannaanbaxayaasha ayaa muujiyay diidmo xooggan oo ka dhan ah go’aankaas, iyagoo ku tilmaamay mid halis ku ah midnimada Soomaaliya isla markaana taageeraya dulmiga lagu hayo shacabka Falastiin.
Bannaanbaxyada ayaa bilaabmay shalay, waxaana ay si degdeg ah ugu fidayeen xaafado kala duwan oo ka tirsan Boorama. Inta badan dadka bannaanbaxyada hoggaaminayay waxay ahaayeen dhallinyaro, kuwaas oo sheegay inaysan marnaba aqbali doonin aqoonsiga Israa’iil iyo waxa ay ku tilmaameen qorshayaal la xiriira barakicinta Falastiiniyiinta iyo ku lug lahaanshaha Somaliland.





