Kigali (Dawan) – Shirkadda Banadiria Coffee ayaa kaalinta koowaad ka gashay qaybta Dhoofiyaha Sanadka ee shirkadaha waaweyn, taas oo ka mid ah Abaalmarinta Tayada Gobolka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) 2026, oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.
Banadiria Coffee ayaa qaybtaan kula tartamaysay shirkadda Nature’s Fish Limited ee dalka Tanzania, oo gashay kaalinta labaad. Abaalmarinta Dhoofiyaha Sanadka ee EAC waxay aqoonsi siisaa ganacsiyada alaabtooda u dhoofiya suuqyada ka baxsan xuduudaha gobolka Bariga Afrika. Shirkadaha waxaa lagu qiimeeyaa koboca joogtada ah ee dhoofkooda saddexdii sano ee la soo dhaafay iyo guulaha ay ka gaareen gelitaanka suuqyo caalami ah oo kala duwan.
Guushani waxay muujinaysaa dadaalka iyo ballanqaadka shirkadda ee ku aaddan tayada, heer-sarraynta, hal-abuurka iyo kor u qaadista wax-soo-saarka Soomaaliyeed ee suuqyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Banadiria Coffee waa shirkad ku takhasustay soo saarista, farsamaynta iyo dhoofinta bunka, waxayna hawshan ku jirtay tan iyo 1970-meeyadii. Shirkadda waxaa hoggaamiya Maamulaha Guud, Ibraahim Cali Shiddo.
Banadiria Coffee ayaa sheegtay inay bunka siiso 70 % maqaayadaha bunka ee Soomaaliya iyo 95 % kuwa ku yaalla Muqdisho, iyadoo ay u shaqeeyaan ku dhowaad 100 qof oo ku kala sugan gudaha iyo dibadda dalka.