Kigali (Dawan) – Shirkadda First Somali Takaful Insurance ayaa ku guuleysatay abaalmarinta Shirkadda Sanadka ee shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe (SME) ee Abaalmarinta Tayada Gobolka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) 2026, oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.
Guddoomiyaha ahna aasaasaha shirkadda, Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa abaalmarinta ku guddoomay magaca shirkadda, intii ay socotay munaasabad ay ka qaybgaleen shirkado iyo hay’ado ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika. Abaalmarinta waxaa loogu talagalay dhiirrigelinta tayada iyo horumarinta heerarka wax-soo-saarka iyo adeegyada gobolka, iyada oo shirkadaha lagu dhiirrigelinayo inay qaataan halbeegyada iyo habraacyada maamulka tayada. Shirkadaha waxaa lagu qiimeeyaa mabaadi’da maamulka tayada ee halbeegga caalamiga ah ee ISO 9001, kuwaas oo ay ka mid yihiin diiradda macaamiisha, hoggaaminta, ka-qaybgelinta shaqaalaha iyo horumarinta joogtada ah.
Sannadkan, abaalmarintu waxay ka koobnayd afar qaybood, iyadoo shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryar iyo kuwa dhexe loo kala saaray qaybo gaar ah. First Somali Takaful Insurance ayaa ku guuleysatay qaybta Shirkadda Sanadka ee shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe (SME).
Shirkaddu waxay sheegtay in abaalmarintani ay u tahay guul muhiim ah iyo aqoonsi muujinaya sida ay uga go’an tahay ilaalinta tayada, sare u qaadista heerarka adeegga iyo bixinta adeegyo Takaful ah oo lagu kalsoonaan karo. Waxay intaas ku dartay in guushani ay ka tarjumayso dadaalladeeda joogtada ah ee kor loogu qaadayo tayada adeegyada, xoojinta joogitaankeeda suuqa gobolka iyo ka qaybqaadashada koboca qaybta caymiska ee Bariga Afrika.