Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta oo Talaado ah dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay isku dayayso inay ciidamo geyso bariga gobolka Sool, isaga oo ka digay in maamulkiisu ka hortagi doono dhaqdhaqaaq kasta oo noocaas ah.
Cirro ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 33-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, taas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Waxa uu sheegay in isku daygii dowladda federaalka ee ahaa in ciidamo ka tirsan Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka la geeyo bariga Sool uu mar kale fashilmay.
Hadalkiisa ayaa yimid kaddib markii telefishinka dowladda Waqooyi Bari uu boggiisa Facebook ku baahiyay in Taliyaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu gaaray gobolka Togdheer. Waxaa la socday taliye ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta ee Dowladda Waqooyi Bari iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
“Dhaqdhaqaaqyadani waxay muujinayaan in hadalka walaalnimada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu warbaahinta ka sheego aanu la jaanqaadayn ficilladiisa,” ayuu yiri Cirro, isaga oo madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu Muqdisho ka hurinayo colaad cusub.
Cirro ayaa sheegay in dad reer Somaliland ah oo ku hubaysan hub fudud ay hore uga adkaadeen ciidamo ka qalab iyo hub wanaagsan. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay maanta tahay maamul dhisan oo awood u leh inuu iska difaaco waxa uu ku tilmaamay maleeshiyaad laga abaabulay Muqdisho.