Muqdisho (Dawan)– SomBank ayaa daah-furay adeegga Global Pay oo lagu soo kordhiyay madasha Kulmiye Internet Banking, kaas oo macaamiisha u suurtagelinaya inay lacag u diraan in ka badan 140 dal iyaga oo adeegsanaya hal madal oo dijitaal ah.
Adeeggan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada SomBank ee lagu ballaarinayo adeegyada bangiyada dijitaalka ah, si ganacsiyada, hay’adaha iyo shirkaduhu ay si fudud, ammaan ah oo hufan ugu maareeyaan hawlahooda maaliyadeed ee gudaha iyo dibadda dalka.
Global Pay wuxuu ballaarinayaa awoodda madasha Kulmiye Internet Banking, gaar ahaan dhinaca fududeynta macaamillada maaliyadeed ee ganacsiyada la macaamila shirkadaha, la-hawlgalayaasha iyo suuqyada ku kala yaalla dalal kala duwan. Dalalka uu adeeggu gaarsiinayo waxaa ka mid ah Turkiga, Kenya, Sacuudi Carabiya iyo Malaysia.