Baydhabo (Dawan) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Baydhabo kusoo rogay bandow guud oo socon doona illaa salaadda subax, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa hubeysan loona adkeeyo amniga doorashooyinka iyo nabadgelyada shacabka.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (John), ayaa sheegay in bandowgan uu qayb ka yahay qorsheyaal amni oo lagu sugayo xasilloonida magaalada, laguna xaqiijinayo habsami u socodka doorashooyinka.
Sida uu wasiirku sheegay, tallaabadan ayaa sidoo kale looga gol leeyahay ilaalinta hantida shacabka, haweenka iyo carruurta, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu ka hortagayo falal kasta oo wax u dhimi kara amniga guud.
“Tallaabooyinkan waxaa looga gol leeyahay sugidda amniga doorashooyinka iyo ilaalinta nabadgelyada guud ee magaalada,” ayuu yiri wasiirka amniga.
Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sidoo kale amray in madaxda, hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha amniga ay diiwaangeliyaan hubka ay haystaan, si loo helo xog dhammaystiran oo ku saabsan hubka ku jira magaalada.