Muqdisho (Dawan)— Dowladda Turkiga ayaa Jimcihii beenisay wararka sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka lagu farsameeyo dalkaas loo adeegsaday duqeyn ka dhacday Puntland, taas oo ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah.
Xarunta La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ah ee Turkiga (DMM) ayaa qoraal ay ku daabacday barta rasmiga ah ee X ku sheegtay in wararka lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah iyo baraha bulshada ay gebi ahaanba ka fog yihiin xaqiiqada.
“Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga wax hawlgal ah kama fulin goobaha la tilmaamay, mana jirto diyaarad, diyaarad aan duuliye lahayn ama hub ay leeyihiin Ciidamada Turkiga oo halkaas loo adeegsaday,” ayaa lagu yiri qoraalka.