Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo diyaar-garowga musiibooyinka, kaddib markii Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ay daahfurtay nidaam dijitaal ah oo lagu mideynayo hawlaha dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta ah ee ka shaqeeya ka-hortagga saameynta abaaraha iyo fatahaadaha.
Nidaamkan ayaa loogu talagalay inuu fududeeyo isku-duwidda hay’adaha, is-weydaarsiga xogta iyo dabagalka hawlaha ka-hortagga musiibooyinka, si loo ogaado meelaha taageerada looga baahan yahay, loona qaado tallaabooyin ka hor inta aysan khataruhu isu beddelin musiibooyin saameeya bulshada.
Munaasabadda lagu daahfuray nidaamkan oo ka dhacday Muqdisho waxaa ka qaybgalay madaxda SoDMA, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera arrimaha gargaarka iyo diyaar-garowga musiibooyinka.
Mas’uuliyiintii ka qaybgalay munaasabadda ayaa sheegay in nidaamkani door ka qaadan doono yareynta khasaaraha naf iyo maal ee ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha, isaga oo kor u qaadaya wada-shaqaynta iyo qorsheynta ku salaysan xogta.